Xukuumada Madaxwayne Biixi Waa In Ay Hoos U Eegta Ku Takri Falista Lagula Kacay Dhulka|Mulkiile Mahad

Waa In Ay Hoos U Eegta Ku Takri Falista Lagula Kacay Dhulka|Mulkiile Mahad

Xukuumada Uu gadhwadeenka Ka yahay Madaxwayne Biixi Oo Ah Xukuumad Jawi Ahaan,Dareen Ahaan,Waxqabad Ahaan Iyo Aragti Ahaanba Ka duwan Xukuumadihii Hore Oo Somaliland. Madaxwayne Biixi Waxa uu Ka dhawaajiyay Waqtigii Doorashada In Uu Sarayn doono Sharcigu,Muwaadiniintuna heli doonan Xuquuqdooda,Sinaan iyo Cadaaladna lagu Wada Noolandoono. Si kastaba ha ahaate Mulkiile Mahad Cabdi Raxmaan jaamac Waa mulkiilaha dhul Ku Yaala Masale G Agagaarka Amiir School Cabirkiisuna Dhanyahay 8 Baloodh.Waxa uu Ka Mid ahaa Halgamaayadii Qarrankan dhiiga usoo Shubay Sidoo Kale waxa uu masuuliyiintii Ka soo Qaybqaatay Dib U Dhiska,Waxa uu Ku Suntana Ka qayb Qaadashada Nabadaymihii Kala duwana Ee Somaliland, Si Kastaba Ha ahaate Dhulka aan Kor Ku soo Sheegnay Oo Ay Kooxo Kooxo Gaari Oo Aan Meelnaba haysani Hab Sharciga baal marsan ay Ugu Tacadiyeen Una adeegsadaan Wado Ay Uga Dan Leeyihiin In ay Si Khaldan Oon Sharciga waafaqsanayn Ay Dhul Dhulkale uga baabiyaan Iyaga Oo aan u Haysan Wax sharci Ah Ku Socota Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ay Khusayso Xukuumada Madaxwayne In Ay Arinkaa Wax ka qabtaan

Ciidamo hor leh oo hada u anba-baxay Awdal iyo xaalada wabar..

Hargeisa

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo rogaal celisay jabhada G awdal ee uu hogaaminayo sul.wabar muddadii uu xilka hayay madaxwayne biixi waxa soo kordhaayay aasaasanka jabahada si kastaba ha ahaate dhex dhexaadintii xukuumada biixi iyo hogaamiyaha jabhada ugu wayn s.land col.caare ee ay odayaashu u hagar baxeen ayaa uu madaxwayne biixi ka dhaga adaygay. Abaara 1:40pm ee maanta ayaa waxa xarunta talliska ciidanka booliska ka anba baxay ciidanka sida gaarka ah u tababaran iyaga oo usii jihaystay dhankaa iyo gobolka awdal,saamayn intee leeg ayay ku leedahay jabhada sul.wabar se xukuumadu ma xal kalay wayday

Xaaladda:gobolka Awdal oo laga dayrinayo/ciidan hor leh oo maanta u amba baxay..

Hargeisa/yaasin aadam

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo rogaal celisay jabhada G awdal ee uu hogaaminayo sul.wabar muddadii uu xilka hayay madaxwayne biixi waxa soo kordhaayay aasaasanka jabahada si kastaba ha ahaate dhex dhexaadintii xukuumada biixi iyo hogaamiyaha jabhada ugu wayn s.land col.caare ee ay odayaashu u hagar baxeen ayaa uu madaxwayne biixi ka dhaga adaygay. Abaara 7:00 am ee saaka ayaa waxa xarunta talliska ciidanka booliska ka anba baxay ciidanka sida gaarka ah u tababaran iyaga oo usii jihaystay dhankaa iyo gobolka awdal

Madaxwayne:biixi oo magacaabis iyo xilka qaadis sameeyay….

Madaxweyne Biixi oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay.

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 06 /11/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne
XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska.

2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.

3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.

4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway.

5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika.

6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka.

7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya.

8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman.

9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Madaxwayne:biixi oo magacaabay taliyaha ciidanka boliisk Jsl…

Madaxwayne:biixi oo u magacaabay talliyaha C:boliiska somaliland maxamed aadan saqadhi (Daba_gale ) isagoo sheegay in ay tahay xil magacaabistu sunaha dawladnimo maxamed aadan saqadhi (daba gale ) waxa uu ahaa saraakiishi ugu saraysay ciidanka qarranka kaasi oo ilaayo aasaaski ciidanka qarranka la soo marray marxalado kala duwan isagoo ahaa abaanduulaha ciidanka qarranka

Madaxwayne:Biixi oo la filaayo inuu u magacaabo talliyaha C:boliiska somaliland…

Aun taliyaha ciidanka booliska somaliland SG:C/laahi fadal iiman,waxay ahayd markii uu geeriyooday habeenimadkii 30/oct/2019.
Subaxnimadkii sabtida oo ay ku beegnayd 1/nov/2019 ayaa waxa loogu sameeyay aas qarran magaaladda Hargeisa
Dhimashada marxuumka ayaa bulshada reer somaliland ay si tiiranyo leh uwada dareemay.
Si kastaba ha ahaate Bulsha waynta reer somaliland oo saadalinaysa magacaabista talliyaha C:boliiska somaliland ayaa qofba si u turjuntay
Si kastaba xogaha ugu macquulsan ee nasoo gaadhaya taasi oo ay dadka siyaasada odolosa uguna dhaw madaxwayne biixi ay sheegayaan in uu madaxwayne:biixi uu u magaacaabo talliyaha C:boliiska somaliland muuse axmed cigaal (sanjab).
Muuse axmed cigaal (sanjab) waxa uu ahaa sarkaal ka tirsana SNM
Muuse axmed cigaal waxa uu kamid ahaa saraakiishii ugu horeysay ee aasaasta ciidanka booliska somaliland,waxa uu sidoo kale kamid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ee ka qayb qaatay horumarinta ciidanka boliiska kaasi oo lasoo maray xilal kala duwan
Waxa uu soo maray 1995 ilaayo 2019 taliye saldhig, talliye qaybeed,ilaa Hogaan.
Si kastaba ha ahaate waxa la filaya muuse axmed cigaal inuu u magacaabo madaxwayne biixi usbuucan talliyaha ciidanka boliiska somaliland.



Aun:waxa magaalada hargeisa aas qarran loogu sameeyay talliyihii Ciidanka police s.land…

Aun:waxa maanta aas qaran loogu sameeyay
Yaasin aadam/Hargeisa

alle haw naxariiste waxa magaalada hargeisa aas qarran loogu sameeyay talliyihii ciidanka bilyaska somaliland SG:cabdi lahi fadal iiman aaskan qarran waxa kasoo qaybgalay maddaxwaynaha somaliland,golayaasha qarranka ,madax-dhaqameed,culimo aw diin,wax garad,saraakiisha laamaha amaanka,dhallinyaro,aqoon yahan,iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada,iyagoo isaga mara kacay wanaaga marxuumka ugu danbayn madaxwayne biixi ayaa ka tacsiyadeeyay ehelkii,qarrankii,asxaabti gaar ahaan ciidanka police somaliland in ilaahay samir iyo iimaan saadiqa uu ka siiyo shacabka reer somaliland

Inaa lilaahi wa ina ilayhi raajucuun

Saliga nabiga (NNKH)iyo dhibka baraha bulshada

Hargeisa,somaliland

Salaamu laahi calaykum.
waxa xumaan ka nasaha (ALLE SWC) waxa sharaf muddan rasuulkeena suuban (NNKH)
social media waa hanaanka isgaadhsiineed ee ugu saamaynta badan bulshada dhexdeeda waqtigan aynu joogno,baryahan danbe waxa soo badanayay bulshooyin kala duwan kuwaasi oo adeegsanaya salliga rasuulkeena suuban (SCW),bulshooyinkaasi oo adeegsanaya haddalo xujooyina.
       Habka  khaldan

  1. haddaad ku saliyi waydo rasuulka (scw) gacmaha alle haku gooyo!
  2. Hadaad mudo 24 hours gudahooda ku share garayn waydo murugo iyo dhibaato alle (swc)haku galliyo
  3. Ilaahay masiibo hakugu salido hadaad ku saliyi waydo rasuulka (scw)     

          Habka ugu haboon

  1. Walaalaha musliinta igula saliya rasuulkeena suuban (scw)
  2. Wll aynu ku sallino xabiibkeena muxamada (scw)
  3. Wll mallaydin ka helaya 1000,0000 oo caawa igula saliya rasuulkeena suuban (scw).

rasuulkeena suuban (NNKH)waxa uu inaga mudanyahay in aynu kor iyo hoosba ugu sallino (SCW) raacnana sunihiisa,alle (swc)haynaga dhigo maca rasuulkeena suuban (scw).
Adoo ajri alle swc ka doonaya ayaad danbi ku  galaysaa.
“Alle swc dhamaanteen haynoo danbi dhaafo aaamin insha allah”
Waxa muhiima in aynu xil iska saarno faafinta diinteena suuban alle (swc)haynaga yeelo kuwii ugargaara diinta,wanaaga is fara xumaantana iska reeba insha allah.
Waxa wax lagu farxo ah marka aad aragto dadbadan oo isku gudbinaya wanaaga diinteena suuban,axaadiista iyo saliga nabigeena suuban(NNKH).
Waana waajib inawada saaran waxa wax laga xumaada ah dadyawga u isticmaalaya  baraha bulshada waxyaalaha  diinteena suubani inaga reebtay.
Si kastaba ha ahaate xoojinta salliga nabiga (scw)waa mid loo baahanyahay in aynu ku dadaalno ajrigeeda inaga oo hab asluubaysan kaga faa,iideysanayna kana reebayna habaarka iwm.

Waxa ugu bakhaylsan qofka inta rasuulka lasoo hadal qaado ku salliyi waaya (Scw)
Ilaahay inagama yeelo kuwaa

Alle (swc) ku xidhnow
Ku dadaal cibaadada
Salaada,soonka,sakada,sadaqada,xajka iyo wax alle swc ina faray
Alle swc haynaga yeelo kuwii sunaha nabiga raaca (csw) aaamin.
Ku dadaal walaal wixii khayra inaad fasho,faafisana wll iska jir wixii xumaana ka dheerow,iskana  jir inaad faafiso

             Allahayow adoomahagibaanu nahay
ee tubta toosan na waafaji

Alla mahad leh

Daawo:mudaharaadyo ka dhacay xaafado kamida magaalada hargeisa/sababta

Halakani waa duleedka galbeed ee magaalada hargeisa waxa iskugu imid mudaharaadayaal cadhaysan iyaga oo ku dhawaaqaya muuse dooni mayno waxaanay socdaal ku marayeen ilamaayo deg/26june halkaasina waxa kaga horyimid ciidamada booliska. Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa aynu la soconay xaalada muranka dhulka oo cirka isku sii shareeraysa,taasi oo aanay xukuumadu wax xal ah aanay u hellin.madaxwayne biixi waxa lagu xasuustii wqtigii ololaha doorashada in uu sheegay in ay xal waara wax kaga qabandoonaan murranka dhulka,dhacdadii ugu danbaysay uguna hadal haynta badnayd waa beer ku taala duleedka galbeed ee magaalada hargeisa taasi oo ay muran ka dhex taagan yahay qoyska madaxwayne biixi iyo dadkii iyagu hore u lahaa beerta.iyagoona sheegay in uu madaxwaynuhu dhul boob ku hayo,waa siday hadalka u dhigeene

Madaxwaynaha somaliland Mudane biixi oo isku shaandhayn ku sameeyay laamaha amaanka……

Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane mouse biixi cabdi,ayaa waxa uu isku shaandhayn ku sameeyay laamaha amniga.
Waxa uu u magacaabay talliye ku xigeenka ciidanka boliiska 1.faarax tabeele waxa uu ahaa sarkal sare oo ciidamada milatariga somaliland,halka talliye ku xigeenki ciidanka asluubta uu u magacaabay
2.c/raxmaan liibaan fooxle)
3.xasan cali dheere waxa uu madaxwaynuhu u magacaabay,talliye ku xigeenk ciidanka ilaalada xeebaha,halka xilkii laga qaaday talliye ku xigeenki hore ilaalada xeebaha yuusuf ibraahim cabdI.
Usbuucyadan danbe waxa loo dhagtaagayay isku shaandhayn laga filaayay madaxwayne biixi.Hadaba saamayn inte leeg ayay ku yeelanaysa
Tabashada beelaha  somaliland taasi oo uu  madaxwayne biixi  uga gaws adaygayo dheeeli tirka saamiyadda beelaha….

Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland oo la filaayo…

Waxa jira isbadalo balaadhan oo la filayo inay ka dhacaan geeska,dadyowga siyaasada (odolosa)oo filaaya inay ka dhici doonan isbadalo hor leh gayiga somalida,gaar ahaan somaliland isbadaladaasi marka ay dhagahaaga ku soo dhacaan waxay dadyow badan filanayaan in ay somalia ictiraaf siin doonto somaliland.Balse somaliland waxa badi caalamku u aqoonsanyahay in ay tahay maamul somalia ka mida,halka dhinaca somaliland ay isku aqoonsatahay qarran maddax banaanidiisa lasoo noqday 1991,somaliland waxa soo maray shan madaxwayne(5 five president) oo kala duwan taasi oo ay shanta madaxwayne iskaga danbeeyeen xukunka s.land,somaliland waxay leedahay dhamaan sifaalihii dawladnimo s.land waxa ay soo martay caqabado balaadhan oo hor istaagay geedi socodka horumarka hadday ahaato dagaalo sokeeye,khilaafyo kala duwan,musuq_maasuq.sikastaba ha ahaate 13 Nov 2017 waxa loo dareeray doorasho(election)taas oo habka wax lagu dooranaya yahay (one vote one man)hal cod iyo hal qof,waxa doorashada ku tartamay saddex xisbi, 2 xisbul macaarid iyo 1 xisbul muxaafid xisbul muxaafidka kulmiye xisbul mucaaridka waddani xisbul mucaaridka Ucid. Sikastaba ha ahaate waxa la gaadhay waqtigii lagu dhawaaqayay doorashada iyada oo la saadaalinayay kudhawaad mudo bil ah,waxa la filanaayay in ay ka dhalato natiijada doorashadasi kacdoono,si kastaba ha ahaate waxa isku tanaasulay axsaabti isku hayay natiijada doorashadaasi,dadyowga kala duwan ee reer somaliland waxa ay naawilayaan maruun siday u arki lahayeen caddaalad,sinaan,midnimo,horumar,wax wada qabsi,s/land oo hesha ictiraaf. Halka siyaasiyiinta xukunka u hirdamaya ay waysada u biyaysteen dhac ladhacaayo hantida qarranka,boob lagula kacaayo dadka taagta darran haday ahaato dhul,iyo ganacsiba, waxa hadafkiisu yahay gaadhsii 6milyan$ bini fooqyo dhaadheer,qabso beero waawayn oo dad leeyahay.nasiib darro somaliland may hellin shicib iyo dawlad mida oo danaha qarranka ku midoba. Beela baddan waxay tabbanayaan in aanay hayn saamigoogi,kuwa kalana sad bursi ayaa lasiiyay. Si kastaba ha ahaate ugu danbayn dadyowga odolosa siyaasada, oo sheegay in ay SOMALILAND KU BIIRI DOONTO JABOUTI 10 SANO EE SOO SOCDA.

Wasaarada warfaafinta jamhuuriyadda s/land oo gudoonsiisay shahado sharaf farsama yaqaankii ku guulaystay inuu dayactiro slntv/local …

Dhawaan ayey ahayd markii wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigellintu ay ku guulaystay intii koobnayd ee uu xilka hayay w.maxamed muuse diiriye in ay soo celliso slntv local/tvgii gudaha. Waxa uu wasiirku u mahad celliyay dhamaan shaqaala waynaha wasaarada,waxa kale oo uu abaal marin gudoonsiiyay Eng sidiiq oo ah shaqsiga ku guulaystay in uu saaro cilada farsamo……Alla mahad leh

Daawo:roob dabaylo wata oo ka da’ay hargeisa kaasi oo galaaftay naf iyo maalba

Alle haw naxariistee sadex qof ayaa dhintey tobaneeyo qof oo kalena waa dhaawac kadib markii roobab dabeylo wataa ka da’een magaalada Hargeysa
sida uu warbaahinta u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolka maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed .

Waxaana saacado hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka kadib marki dabeyluhu jareen dhir farabadan isla markaan dhulka kusoo rideen boodhadhka xayaysiisyada ee magaalada badhtankeeda ka taagan.

dhaawaca ayaa cisbitaalka guud ee Hargeysa xiligan lagula tacaalayaa.

Xisbiga wadani oo ka hadlay haadaladii kasoo yeedhay talliyaha ciidamada qaranka S.G Nuux ismail taani

“Waxa uu Taliyuhu yidhi ‘waxaanu aad iyo aad ugu faraxsan nahay in ay tageen! Waxaa wax aad iyo aad looga xumaado ah in ay isaga iyo Puntland isku wax ku farxaan. Puntland waxay sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxday in ay ciidamadaasi Somaliland ka soo tageen, taliyaheenii Ciidanka Qarankuna wuu farxay oo wuxuu ku farxay in ay ciidankaasi Tageen,” Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi

“Arrinta Caarre niman Odayaal ah ayaa galay, way hadleen nabad baanu sidna ayay yidhaahdeen oo madaxweynaha ayaanu la sugayna laakiin, waxa fajiciso ah isbaaradan uu Nuux dhigay , nabaddii Bari laga soo waday isbaaro ayuu u dhigtay, isbaaradu ma isbaaro madaxweynuhu yidhi dhig baa? Mise waa isbaaro uu isagu iskii u dhiganayo oo uu u arko in aanay dan iyo wanaag ugu jirin in ay halkaa nabadi ka unkanto,” Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI.